Erdogan oo ku wajahan Mareykanka si uu ula kulmo Trump

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu. Warkan ayey wakaaladdu kasoo xigatay waaxda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga. Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacada kulan wadahadal ah la qaadan doona Mr Trump, isagoo ka ...

Read More »

Waa kuma Cabdiraxmaan Maadey, hogaamiyaha cusub ee ururka ONLF?

Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Mahdi oo ku magac-dheer Maadey ayaa xalay loo doortay guddoomiyaha ururka ONLF. Cabdiraxmaan waxaa uu ku dhashay Magaalada Qabridahar ee deeganaka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana laga kaxeeyay halkaas isagoo yar oo waxaa la geeyay Magalaad Wajeer ee dalka Kenya sanadkii 1962. Wuxuu halkaas ku bartay qeybka mid ah waxbarashadiisa dugsiga hoose, kadib markii uu buuqa ka ...

Read More »

Bugaagta Nabada 2019

Akhriska iyo barista aqoonta nabada waa nidaam aad u wanaagsan oo lagu kobcin karo laguna baahin karo nabada bulshada dhexdeeda. Waa hanaan aan u isticmaali karno sida dalka soomaaliya oo kale kaaso kasoo kabanaya khilaafaad saldheeraaday oo saamayey dhamaan qaybaha bulshada sida dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada. Hadaba barnaamujka Abaal marinta Caalamiga ah ee BOOKS for Peace 2019, Ayaa ...

Read More »

MADAXWEYNAHA SHIINAHA IYO WAFDI UU HOGGAAMINAAYO OO GAARAY DALKA GIRIIGA

Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magalada Athenis ee dalka Griigga ,halkasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah oo ay hormuud ka yihiin madaxda dalkaasi. Booqashada Madaxweynaha oo qaadaneysa muddo 3-cisho ah ,waxaa inta uu joogo dalka Giriigga uu madaxda dalkaasi kala hadli doonaa  sidii loo adkeyn lahaa  xiriirka labada dal iyo ...

Read More »

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U DHOOFAY NAIROBI

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qayb-gelayo shirka dadweynaha iyo horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo ...

Read More »