Author Archives: admin

RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO QAABILAY XUBNO KA TIRSAN ISIMADA DHAQANKA PUNTLAND

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Villa Somalia CASHA SHARAF ugu sameeyay, xubno ka tirsan Hoggaanka Dhaqanka Puntland iyo Dowlad Degaanka Soomaalida oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha, waxa kulanka uu Isimada la qaatay ku weheliyay wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir. Isimada Puntland ...

Read More »

SOMALILAND OO WAR KA SOO SAARTAY 6 NIN OO AY TOOGASHO KU FULISAY

Xabsiga Mandheera ee Somaliland Somaliland ayaa maanta oo Arbaco ah dil toogasho ku fulisay Lix nin oo horey u xukunaa, kuwaaas oo qaarkood muddo dheer xabsi ku jiray. Lixda nin ee Somaliland toogatay ayaa saaka toogashadoodu ka dhacday jeelka wayn ee Mandheera oo ku dhow magaalada Berbera. Magacyada ragga ay Somaliand toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala ...

Read More »

BOOSAASO: MADAXWEYNE DENI OO XARIGA KA JARAY XARUMO GANACSI OO CUSUB

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum iyo Isbitaalka AYAAN oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhiim u ah Bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso, halkaasi oo ...

Read More »

MUQDISHO: GUDDIGA QABAN-QAABADA MAALMAHA XORRIYADDA DALKA OO KU KULMAY

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu maalmo ka hor magacaabay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulankoodi ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),oo sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa ...

Read More »

IRAN OO GANTAALO KU GARAACDAY SALDHIYADA MARAYKANKA EE GUDAHA DALKA CIRAAQ

Wasaaradda Difaaca Mareykanka, ayaa xaqiijisay in  Iran ay ilaa 10 gantaal xalay ku garaacday, laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay gudaha waddanka  Ciraaq.  Waaxda Gaashaandhiga  Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegtay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in saldhig saddexaad oo lagu magacaabo ...

Read More »

CIIDAMADA DOWLADDA FEDERAALKA IYO KUWA MARAYKANKA OO DUQEYMO LA BEEGSADAY AL-SHABAAB

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya  ku sugan dowlad goboleedka  Jubbaland, oo kaashanaya Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, ayaa duqeyn culus  ka geystay fariisimo maleeshiyada Al-shabaab ay ku lahaayeen, degaanka Caanoole oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada hoose. Sidoo kale, Ciidamada ayaa duqeyn kale ka fuliyay xero ku taala degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ay tababar ku qaadanayeen ...

Read More »

wargalin somali business online

dhamaan ganacsatada soomaaliyed meel kasta oo ay joogaan wax lagu war gelinayaa in somali busines online ay u diyaarisay in ay alaabtood ku iibsan karaan qaab online iyagoo website-ka somali business online ka furan karaan meherad online ah ayna soo geli karaan alabtooda xili kasta. linkan hoose riix ka dibna buuxi form-ka diwaan gelinta http://somalibusinessonline.com/h…/vendor_logup/registrationganacsade nagu soo booqo xafiiska shirkadda ku ...

Read More »

ABWAAN SHUBE OO XILKII LA WAREEGAY

Xil wareejinta, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube) ayaa maanta oo Isniin ah xilka si toos ah ugala wareegay maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da). Xil wareejinta waxaa joogjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta. Wasiir Maareeye ...

Read More »

AQALKA SARE OO ANSAXIYEY SHARCI CUSUB

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho, ku yeeshay kulankoodii 24-aad ee Kalfadhiga 6-aad, wuxuuna ajandaha kulanka ahaa akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Batrooolka dalka. Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi, iyadoo ay ku wehelinayeen Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Abshir Maxamed Axmad iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Moowlid xuseen Guhaad. Waxaa hor-yimid Golaha ...

Read More »