BOOSAASO: MADAXWEYNE DENI OO XARIGA KA JARAY XARUMO GANACSI OO CUSUB

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Haamaha Keydka Shidaalka ee Ocean Petroleum iyo Isbitaalka AYAAN oo labadaba laga hirgeliyay Boosaaso.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dadkii kasoo shaqeeyay hirgelinta xarumahan oo muhiim u ah Bulshada gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeray Xabsiga weyn ee magaaladda Boosaaso, halkaasi oo uu warbixin kaga dhegaystay masuuliyiinta Xabsiga, oo uga warbixiyey xaaladda Xabsiga iyo maxaabiista ku jirta.

Waxaa Madaxweyne Deni kormeerka ku weheliyay, xubno ka mid ah goleyaasha kala duwan ee dowladda, maamulka gobolka iyo kan degmada iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*