ABWAAN SHUBE OO XILKII LA WAREEGAY

Xil wareejinta, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka

Maareeyaha cusub ee Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka Soomaaliya Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube) ayaa maanta oo Isniin ah xilka si toos ah ugala wareegay maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed (Ma’da).

Xil wareejinta waxaa joogjoog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa 11 bishii December 2019 xilkii ka qaaday Maareeyihii hore Golaha Murtida iyo Madadaalada (Tiyaatarka) Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da, isagoona xilkaas u magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf (Shube).

Shube oo ah Abwaan caan ah ayaa horey u ahaan jiray Guddoomiyaha kooxda Hooballada Waaberi Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*