MADAXWEYNE FARMAAJO OO U DHOOFAY NAIROBI

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu kaga qayb-gelayo shirka dadweynaha iyo horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa tilmaamay muhiimadda uu Soomaaliya u leeyahay shirkani maadaama hay’adaha Qaramada Midoobey ay kaalin mug leh ku leeyihiin dib u kabashada iyo horumarinta dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.” ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed

Wafdiga Madaxweyne ku wehliya shirka Nairobi waxaa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowsiya Abiikar Nuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Diiriye Xersi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*